Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Itoobiya Iyo Laba Magaalo Oo Muhiim Ah Oo Maanta U Gacan Galay Ciidammada Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay maanta dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigray-ga.

Wasiirka Isgaadhsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horreysay tan iyo xagaagii.

Ciidammada Tigray-ga ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay hore u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

Warkan maanta kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa ka dhigan isbeddel kale oo lama filaan ah oo ku yimid dagaalka ka socda Itoobiya, oo toddobaadyadii tegay u muuqday mid ay dowladda guulo ka gaadheyso kadib bilo aad loo jebiyey.

Si madax banaan looma xaqiijin sheegashadii ugu dambeysay. Balse, waxay u muuqataa in dowladda ay dib ula wareegtay magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad ka dib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horaantii bishan.

Ciidamada Tigray-ga Itoobiya ayaa 12-kii December dib u qabsaday magaalada waqooyi ee Lalibela, oo ay hay’adda UNESCO u aqoonsan tahay dhaxal adduun, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qabsashada Tigrayga ayaa timid 11 maalmood kadib markii ciidammada federaalka Itoobiya ay sheegeen inay dib ula wareegeen magaalada.

Lalibela oo 645 km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa xarun u ah 11 kaniisad oo qadiimi ah, waana goob ay u cibaado tagaan Kirishtanka Ethiopia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this