Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Ceyriyay Guddoomiyihii Xalinta Khilaafadka iyo Lix Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqadii ka eryay xubna ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka.

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.

Shaqo ka joojinta xubnahaan ayaa timid xilli ay saaka ka soo hormuuqdeen warbaahinta iyagoo edeeyn u jeediyay midawga musharixiinta, waxaana xafiiska ra’iisul wasaaraha uu ku eedeyay in ay yihiin kuwa ku milmay siyaasadda.

Todoabada qof ee shaqadaka laga joojiyay ayaa ra’iisul wasaaraha waxa uu ku badalay xubna kale oo buuxinaya booskooda.

Hoos ka akhriso War-qadda xilka qaadista ee ka soo baxay xafiiska Rooble 

WhatsApp-Image-2021-12-18-at-02.27.32.jp WhatsApp-Image-2021-12-18-at-02.27.32-1.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this