Sign in to follow this  
Deeq A.

YAASIIN FAREY: Xildhibaan kaliya ma noqonayo ee sidoo kale waxaan noqonayaa…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa markii u horeysay ka hadlay guusha uu ka gaaray kursiga muranka badan uu hareerayay ee tirsigiisu yahay HOP#067.

Waxa uu sheegay in tabashada jirta kursigaas lagu xalin gudaha beesha, kadib markii uu dhawaan guddiga xalinta khilaafaadka u xalaaleeyay guusha kursigaas, oo la fahamsan yahay inay saartay Villa Somalia.

“Aniga in badan waxaa kusoo shaqeeyay xil ciidan, maanta waxaa doontay oo soo qaatay kursi ay leeyihiin dadka maanta ila fadhiya. Beesha aan ka tashay ayaga ayaa is wareysanaya wixii ayaga dhexdoona ay is xaliyaan, is wareysi hoose inta maqan iyo inta joogtana waa la gaaraya” ayuu yiri Yaasiin Farey.

“Waxaa ballan-qaadaya in aan noqon doonin qof aan dadkiisa ka dhex muuqan, bulsha weynta Soomaaliyeedna ka dhex muuqan. Ciidan keliya ma noqon doone waxaa noqon doona Sarkaal ka tirsan ciidamada oo ka shaqeeya xoreynta deegaanadeena.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in muhiim tahay inay isku raacan in deegaanadooda xoreystaan, islamarkaana ay isku keenaan dadka ay isku deegaanka yihiin si ay uga tashadaan danahooda, sida uu sheegay.

“Shabeelaha dhexe inay xaroowdo ayaa lagu gaari doona wada-tashi iyo isku duubni. Maanta in aan ka hadlo dad gaar ah iyo deegaan gaar ah waxaa igu kalifay wixii iyagu lahaayen ayaa soo qaatay, markaa in aan iyaga ku dhawaaqo waa ku qasbanahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay xal u helida tabashada beesha dhexdeeda ee uu kursigeeda ku guuleystay, ayna iskugu imaan doonaan kulamo kale oo looga arrinsanayo danta deegaanada uu metelo.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu go’aan dhan u xaglinaya uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ka gaaray dacwadii laga soo gudbiyay kursiga HOP#067, oo uu ku guuleystay Yaasiin Farey, oo si dhaw ugu xiran madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post YAASIIN FAREY: Xildhibaan kaliya ma noqonayo ee sidoo kale waxaan noqonayaa… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this