Deeq A. Posted December 18, 2021 Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa warbixin ka soo saaray hawlgal Ciidanka Booliisku ka sameeyay Caasimadda Garoowe. Hawgalka oo xalay laga sameeyay xaafadaha magaalada ayaa lagu qabtay gaari siday 60 dhalo oo khamri ah iyo raggii watay sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliiska. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in maxkamad la hor-gayn doono khamriga iyo cidda lagu qabtay si sharciga loo mariyo. Taliye Xuseen ayaa sidoo kale dadweynaha Caasimadda ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska. PUNTLAND POST The post Gaari khamri siday iyo Raggii watay oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites