Sign in to follow this  
Deeq A.

Qashqaashad & Arbush lagu hayo Muslimiinta Hindiya Salaadda jimcaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Qashqaashad & Arbush lagu hayo Muslimiinta Hindiya Salaadda jimcaha

Muslimiinta Hindiya iyo salaadda Jimcaha
Muslimiinta Hindiya iyo salaadda Jimcaha

Seddexdii bilood ee lasoo dhaafay maalin kasta oo jimce ah , koox ka tirsan Hinduuga midigta fog ah ayaa qashqashaad ku hayay muslimiin salaadda jimcaha ku tukada barxaddaha xaafadda Gurgeon oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Hindiya, maadaamaa uu masaajidka ka buuxsamo.

Waxa si qeylo iyo buuq ah ay u dalbanayeen in muslimiinta ay joojiyaan in ay salaadda ku ooggaan barxadaha, iyaga oo mararka qaarkoodna ku goynayay baabuur, amaba dushooda ku qeylinayay.

Waxa ay kooxdani muslimiinta ugu yeerayeen in ay yihiin kuwa jihaad-doon ah, ama kasoo jeeda dalka Paistan.

Tani waxa ay keentay in hadda ay booliiska illaaliyaan salaadaha jimcaha.

“Waa xaalad cabsi leh, waanan filaynay in ay waxani dhacayaan” ayuu yiri Altaf Axmed oo wax ka asaasay guddiga muslimiinta Gurgaon.

Xaafadan oo markii hore ahayd mid aad isaga dhaqdhaqaaq yar, ayaa tobonaankii sano ee lasoo dhaafay noqotay goob ganacsi oo muhiim ah, iyada oo laga dhisay dhismayaal dhaadheer, xafiisyo iyo waxyaabo kale.

Qiyaasaha qaar ayaa sheegaya in illaa 500,000 muslimiin ah ay ku noolyihiin , kuwaas oo ay ku jiraan shaqaalaha dhismaha iyo kuwa shaqooyin kale haya.

Balse xaafadda Gurgaon waxa ay hadda isu badeleysaa meel ay ka jiraan isku dhacyo xagga diimaha ah. “Anaga kama soo horjeedno muslimiinta, ama salaadooda, balse in banaanka lagu tukado ayaa nooga dhigan in ay Jihaad ku jiraan oo kale” ayuu yiri Kulbhushan Bhardwaj, oo ka mid ah dadka hormuudka ka ah ee abaabulaya kooxaha Hinduuga.

Inkasta oo dhaqdhaqaaqyada caynkan ah ay ka jiraan meelo badan oo Hindiya ka mid ah, kuwaas oo marar badan lagu eedeeyo xisbiga BJP ee talada haya in ay taageero ka haystaan, ayaa haddane kooxdani Gurgaon ay sii xoogaysanayaan, iyaga oo xitaa taageero ka helaya dadka deegaanka.

“Marka ay gurigayga agtiisa ku tukadaan aad ayaan u cabsadaa, salaadda kadib meelaha ayay dhoobanyihiin” ayuu yiri Sunil Yadav oo dadka deegaanka ka mid ah.

Booliiska ayaa hadda illaaliya muslimiinta , waxayna xirxireen qas qadayaasha
Booliiska ayaa hadda illaaliya muslimiinta , waxayna xirxireen qas qadayaasha

Todobaadkii hore guddoomiyaha gobolka Haryana oo xaafaddan ku taalo, ninka lagu magacaabo Manohar Lal Khattar ayaa kasoo horjeedsaday salaadaha banaanka lagu tukanayo, isaga oo sheegay in dhaqankani uu abuurayo iska hor imaad, taasna uusan isaga ogol ka ahayn.

Arrintan waxa ay dhiirogalin siisay kooxdii qashqashaadda wadday.

 

Rabshada ka dhanka ah salaadda banaanka waxa ay bilaabatay sanadkii 2018-kii, balse heshiis ayaa laga gaaray kadib markii muslimiinta ay soo koobeen goobihii ay ku tukanayeen oo ay ka dhigeen 37 goobood, halkii markii hore ay ahaayeen 108 goobood.

Hadda lama oga waxa bilaabay rabshadda cusub iyada oo goobaha ay hoos ugu dhaceen illaa 20 goobood.

13 masaajid ayaa ku yaala Gurgaon, kuwaas oo hal oo keliya uu ku yaalo qeybta cusub ee magaalada, halkaas oo shaqaalaha muslimiinta intooda badan ay ka shaqeeyaan. Masaajidada xaafadaha fogfog ku yaala ayaa gebi ahaanba la xiray maadaamaa aysanba jirin cid ku tukata oo dadkii ay magaalada soo wada galeen.

Injineerada dowladda ee naqshadeeyay Gurgaon ayaa talogalka ku daray 42 macbad iyo 18 nooc kale oo macbadyo ah, iyo hal masaajid oo keliya.

Guddiga Muslimiinta oo isku dayay in ay iibsadaan dhul dowladeed ayaa ku guul daraystay marar koox ah.

Balse xaaladda Gurgaon ma ahan mid wada rejo beel ah, nin ganacsade Hindu ah ayaa dukaankiisa u fura Jimcaha si ay muslimiinta ugu dukadaan, halka dadka qoowmiyadda Sikha la yiraahdo ay macbadkooda u fureen muslimiinta si ay ugu tukadaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this