Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasi Sare oo Oo Ka Hadlay Weftiga Ka Socda Dalka Maraykanka ee Ku Sugan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Diblomaasi Sare oo Oo Ka Hadlay Weftiga Ka Socda Dalka Maraykanka ee Ku Sugan Somaliland

nagy.jpg

Delighted to see US Congressional staff delegation visit Somaliland. It is a real, functioning country doing the best it can – whether rest of world recognizes it or not. US delegation visit a good start towards reality.

— Tibor Nagy (@TiborPNagyJr) December 14, 2021

Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalalka Itoobiya iyo Gini, Ambassador Timbor Nagy, ayaa ka hadlay Wefti ka socda Aqalka Koongarayska Maraykanka oo safar ku jooga Somaliland.

Ambassador Timbor Nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wefti ka socda Kongarayska Maraykanku ay booqdaan Somaliland.

Nagy wuxuu sheegay in Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn, balse dedaalaya oo qabsanaya wixii karaankiisa, sidaasi darteed Weftiga ka socda Maraykanku ay bilow u yihiin Socdaallada xaqiiqo-raadinta ah.

Timbor Nagy ayaa sheegay “Aad baan ugu faraxsanahay booqashada wefti ka socda Koonkarayska Maraykanku ay booqasho ku tagaan Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland, waa waddan dhab ahaan shaqaynaya oo samaynaya intii karaankiisa ah, haddii ay dunidu aqoonsan tahay iyo in kale..”

Nagy wuxuu sheegay in Weftiga Maraykanka ahi ay bilow u yihiin xaqiiqo-raadinta lagu samaynayo Xaaladaha Somaliland “Waftiga Maraykanka ee booqday Somaliland waa bilow wanaagsan oo dhanka xaqiiqada ah..” ayuu yidhi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this