Sign in to follow this  
Deeq A.

Yoolkeenu 10-ka sanadood ee soo socda waa in uu noqdaa

Recommended Posts

Deeq A.   

𝗬𝗢𝗢𝗟𝗞𝗘𝗘𝗡𝗔 𝗧𝗢𝗕𝗔𝗡𝗞𝗔 ( 𝟭𝟬 ) 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗢𝗢𝗗 𝗘𝗘 𝗦𝗢𝗢 𝗦𝗢𝗖𝗗𝗔𝗔 𝗪𝗔𝗔 𝗜𝗡 𝗨𝗨 𝗡𝗢𝗤𝗗𝗔𝗔 𝗜𝗡 𝗚𝗨𝗥𝗜 𝗪𝗔𝗟𝗜𝗕𝗔 𝗨𝗨 𝗬𝗘𝗘𝗦𝗛𝗢 𝗚𝗢𝗢𝗕 𝗪𝗔𝗫 𝗔𝗞𝗛𝗥𝗜𝗦 ( 𝗟𝗜𝗕𝗥𝗔𝗥𝗬 )

 
Wax walba oo olole guud lagu qaadaa wuu hirgalaa , tusaale waxa aynu xoojinay soddonkii sanadood ee la soo dhaafay in aynu dedaal badan galino aqoonta iyo waxbarashada waxaa maanta jirta in miyi iyo magaalo ay suuragal tahay 78% in guri walba laga heli karo qof wax akhriya waxna qori kara.
 
Sidaasi oo kale sanadihii ugu dambeeyay waxaa olole iyo is abaabul lagu galay in xooga la saaro qorista buugaagta  si umaddani u hesho dhaxal waara oo taariikheed , aqooneed , ilbaxnimo , nololeed iyo waayo aragnimo ugu dhigmaan.
 
Qoristii iyo soo bandhigistii buugaagta waxa ka abuurmay in uu xoogeystay wax akhriskii oo marka buugaagta la qorey ama la turjumey ee la  soo bandhigayaa sii badato ba waxii sii badanaya in dadku wax akhriska jeclaadaan oo wacyigii wax akhriskuna aad u kordhay.
 
Hadii wax akhrisku sii bato iyo la saaxiibka buugaagtu waxa sii kordhaya in garaadka bulshada iyo hab fekerkoogu kor u kaco , la helo maskax maal faro badan oo maanka tuujiya , la helo dad ku baraarugsan oo og waayihii ay soo mareen , la helo dad soo qoda aqoonta iyo waayo aragnimada ku keydsan geyigani oo xambaarsan saqaafad weyn.
 
Waxaa aynu u baahanahay haddaba in aynu olole ku qaadno in magaalo walba  ay yeelato ugu yaraan sadex goobood oo wax akhris oo guud marka laga reebo goobaha dugsiyada iyo jaamacadaha ee wax akhriska , magaalooyinka waaweyn iyo Caasimada kama maarmayaan in degmo kastaa ay hesho ugu yaraan sadex goobood oo wax lagu akhristo (public libraries) ugu badnaana ilaa inta la awoodo in la gaadhsiiyo.
 
Yoolkeena tobanka sanadood ee soo socdaa waa in uu noqdaa in guri walba uu yeesho meel wax lagu akhristo oo ay buugaagi taallo inta ay doonto ha leekaato e , waynu awoodnaa in aynu gaadhsiino , umad walibana aqoonteedu waa inta ay wax akhrido , waxaana curinta iyo qoraalkoogu kordhaa inta ay xog iyo aqoon hayaan dadkoogu.
 
Qofwaliba oo wax akhriyi karaa waxaa haboon in uu sanadkii ku taamo in uu buugaag badan akhristo oo uu u sameysto jadwal ( timetable ) bille , todobaadle ilaa maalinle ah , waxaa nolosheena iska badeli doona wax weyn waxaana aynu sameyn doonaa horumar weyn oo fekri ah oo laga faaiideysto.
 
Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this