Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo ka warbixiyay doorashooyinka golaha shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka gudidda doorashooyinka dadban ee heer Federaal Amb Axmed Safiina oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hanaanka doorashada dalka.

Amb Safiina ayaa sheegay in hore doorashadu uga socotay Kuraasta Gobolada waqooyi oo kuraastooda muqdisho lagu qabanayey,sidoo kale maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug, ayaa iyaguna qabtay dhankooda iyadoo haddana  maamulka  Jubaland shaaciyeen qabashada 14 kursi oo ka mida kuraasta Golaha shacabka ee lagu soo doorto Jubaland

Afhayeenka ayaa sheegay in sidoo kale Gudidda doorashada Beelaha Banaadirigu shaaciyeen qabashada 5 kursi oo lagu dooran doono Gobolka Banaadir maalmaha innagu soo aadan.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo ka warbixiyay doorashooyinka golaha shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this