Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin qirtay inuu kufsaday Meydadka 100 Haween ah oo xukun adag lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin qirtay inuu kufsaday Meydadka 100 Haween ah oo xukun adag lagu riday

David Fuller custody image
David Fuller intii ay dacwaddiisa socotay wuxuu qirtay dilka Wendy Knell iyo Caroline Pierce

Ninkii labada qof dilay, kufsigana kula kacay meydadka 100 dumar ah ayaa lagu xukumay inaan waligiis xabsiga laga sii deynin.

David Fuller, oo 67 jir ah waxa uu dilay Wendy Knell iyo Caroline Pierce oo uu ku qaaday labo weerar oo kala duwan xilli ay ku sugnaayeen Tunbridge Wells, sanadkii 1987-kii.

Waxa uu sidoo kale tacaddiyo u geystay meydad, ay ku jiraan carruur, muddo 12 sano gudahood ah oo uu ka shaqeynayay Cusbitaal. Waxa uu u qaabilsanaa farsamada korontada.

Qoysaska dhibaneyaasha ayaa u sheegay maxkamadda Maidstone Crown inuu ahaa “xayawaan”.

Garsooraha maxkamadda Mrs Cheema-Grubb ayaa markii ay xukunka ku dhawaaqeysay ku tiri Fuller: “Murugo aad u badan ayay bulshadu ka dareemayaan waxyaabihii aad sameysay.

“Ficilladaadu waxay ka hor imaanayeen wax walba oo sax ah iyo bani’aadannimada. Ma ahayn wax lagu fakari karo.

“Waxaad ku xad gudubtay sharafta meydadka.”

Fuller ayaa labada dil oo uu geystay loogu xukumay labo jeer oo xabsi daa’in ah, halka 12 sano oo kale loogu xukumay dambiyada kale ee uu geystay.

Digniin: maqaalkan waxaa ku jira waxyaabo ay dadka qaar dhibsan karaan.

Bayaan ku saabsan saameynta dhibaneyaasha oo ay maxkamadda ka hor aqrisay Pamela oo ah Mrs Knell hooyadeed ayay ku sheegtay in ay ahayd “qof fikrad badan oo diyaar u ahayd in ay wax walba u sameyso qof walba”.

“Waxay rabtay carruur balse ma aysan helin,” ayay tiri Mrs Knell oo intaas ku sii dartay: “Geerideeda waxaan ugu nool nahay murugo aan naga hareynin inta ka dhiman nolosheenna.”

 

Wendy Knell iyo Caroline Pierce
Wendy Knell iyo Caroline Pierce waxaa la dilay 1987

Bayaan kale oo ay maxkamadda ka hor aqrisay dacwad ooge, Katrina Frost, oo ah Caroline Pierce hooyadeed, ayay ku sheegtay in dilkeeda uu ahaa “mid naxdin leh” iyo salal “taagan ilaa maanta”.

Wasiirka caafimaadka ee UK, Sajid Javid, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo sidii ay Fuller ugu suurtagashay inuu isbitaal ka shaqeeyo isagoo aan la fahansaneyn.

Baareyaasha ayaa sheegay in kiiskan caddeymo badan loo helay dhawaan kaddib markii lagu sameeyay tijaabooyin dhinaca hidda sidaha ah ama DNA-ga.

Siddeeddii bilood ee la soo dhaafay, kharash gaaraya £ 1.5 milyan ayaa ku baxday kiiskan oo ay baaritaankiisa ka qeyb qaateen 150 saraakiil boolis oo si gaar ah loogu tabobaray la tacaalidda kiisaska noocan oo kale ah.

Kaddib markii lasoo xiray sanadkii 2020-kii, booliska ayaa baaritaan ay ku sameeyeen gurigiisa oo ku yaalla Heathfield, Bariga Sussex, ku helay muuqaallo uu ku duuban yahay Fuller oo tacaddiyo galmo u geysanaya meydad, intii u dhaxeysay 2008 ilaa bishii November 2020-kii.

Fuller hid hard drive evidence of his offending in a box, stuck to a chest of draws, hidden in a wardrobe
Fuller wuxuu cajalad ay ku duuban yihiin caddeymaha ku qariyay qeybta sare ee armaajo

Fuller ayaa dayactirka korontada kala shaqeynayay isbitaallada tan iyo sanadkii 1989-kii, waxaana uu ku sugnaa isbitaalka Kent iyo Sussex ilaa markii la xiray bishii September ee sanadkii 2011-kii.

Waxaa markaas kaddib loo wareejiyay isbitaalka Tunbridge Wells oo ku yaalla Pembury, halkaas oo uu kasii waday dambiyadiisa ilaa laga soo xiray.

Dambi baareyaasha ayaa sheegay in Fuller uu tagi jiray qeybaha meydadka lagu keydiyo marka ay shaqaalaha kala tagaan, inta badanna “wuxuu u tagi jiray meydad uu ku noqnoqon jiray”.

Dacwad ooge Duncan Atkinson QC ayaa sheegay in Fuller uu “si qorsheysan oo ku celcelis ah u kufsaday” meydadka 102 ruux oo isugu jiray haween iyo gabdho yar yar.

Waxa uu sheegay inay ka mid ahaayeen gabdho da’doodu kala ahayd sagaal jir, 16 jir iyo haweeney 100 jir ahayd.

David Fuller's hospital pass

Fuller ayaa sidoo kale qirtay 30 kiis oo xatooyo ah sanadihii 1970-meeyadii. Balse weligii looma xirin sababtoo ah wax caddeymo ah looma heyn.

Wasiirka Caafimaadka UK, Sajid Javed, ayaa sheegay in waaxaha caafimaadka UK ay warqad u qoreen dhammaan isbitaallada laguna amray inay baaritaan ku sameeyaan xarumaha meydadka lagu keydiyo.

Dambiyada ninkan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo aysan horay noocooda ula kulmin booliska magaalooyinka kala duwan ee guud ahaan dalka UK.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this