Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Qadiyada Weftiga Maraykanka ee Hargeysa Yimi

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Qadiyada Weftiga Maraykanka ee Hargeysa Yimi

 guray.jpg
XIDHIIDHKA CUSUB EE SOMALILAND IYO DALKA MARAYKANKA
In kasta oo aanu gaadhin heer la odhan karo dagaal qabow hadana waxa jira dagaal jiyo-siyaasi ah oo ka dhex socda dawladaha waawayn oo si gaar ah isugu haya dano dhaqaale iyo amni meelo badan oo dunida ah sida Yurub, gaar ahaan khilaafka NATO iyo Ruushka meelaha ugu darnaa beryahan dambena waxay ahaayeen khilaafka Ukraine iyo Badda Madow. Waxa ka taagan tahay Koonfur bari Asiya (south east Asia) iyo marinka Badda Koofureed ee Shiina oo Maraykanka iyo Shiinuhu isku hayaan dalalka kale ee mandaqadaasi iyo kuwo kale ee danaynayaa ay la kala safan yihiin. Waxay ka taagan tahay muddo dheerna ka taagnayd Bariga Dhexe hase yeeshee xiligan Iran oo isu dhigtay quwadda koobaad ee gobolka iyo Israel ayaa qarka u saaran in dagaalba ay ka gaadho. Iran waxay saamaynta ugu wayn ku yeelatay dalalka carbeed intooda badan marka laga reebo wadamada Khaliijka kuwaas oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Syria, Labnaan, Yaman, iyo weliba dhulka Falastiin. Israel dabcan waxa daba taagan Maraykanka markii ugu horaysayna waxay xidhiidh caadi ah la yeelatay wadamada Khaliijka sida Imaaraadka, iyo Baxrayn, Sudan, Morocco iyo kuwo kale.
Maraykan iyo Reer Galbeedka guud ahaanba waxa welwel wayn ku haya sida uu Shiinuhu ugu fiday Qaaradda Afrika guud ahaan oo ay sabab u tahay saboolnimada ka jirta qaaradda iyo maalgshiga deynta Shiinuhu ku qabsaday wadamo badan oo Afrika ah. Marka la isku daro wadamada loo yaqaan G7 maalgashigooda Afrika marka la isku wada daro waxa aad iyo aad uga badan maalgashiga Shiinaha keligii.
Gaar ahaan Bariga Afrika dalalka maalgashiyada deynta ah ee Shiinuhu ma yara. Gaar ahaan Geeska Afrika wuxu xididadda aastay Jabuuti iyo Itoobiya. Weliba Jabuuti wuxu ku yeeshay Saldhig Miltari oo noqday kii ugu horeeyay ee Shiinuhu ku yeesho dhul ka baxsan dalkiisa. Taas oo macnaheedu yahay wuxu u soo fadhiistay Maraykan iyo reer Galbeed marinka muhiimka ah ee Baabul Mandab. Taas oo gaadhi karta heer Shiinaha loo daba fadhiisto albaabka Geeska Afrika iyo weliba amaanka marinka Baabul Mandab waana waxa Maraykanku aanu sinaba uga raali noqon karin.
Hadaba si uu uga falceliyo Maraykanku in uu Geeska Afrika u gacangalo Shiinaha waxa u furan keliya in uu xidhiidh toos ah la yeesho Somaliland oo uu Berbera soo dego inta aan Shiine ama Ruush u soo fadhiisanin. Intii muddo ahayd khubaro badan oo Marsykan ah iyo kuwo aan Maraykan ahayn ee dalalka ay saaxiibka dhaw yihiin sida Israel ayaa Maraykan ku dhiirigelinayay in uu dedejiyo xidhiidhka Somaliland iyagoo ku boorinayay in ay muhiim u tahay dhinaca dagaalka Jiyo-siyaasiga ee ka dhexeeya isaga iyo NATO oo dhinac ah iyo Shiinaha iyo Ruushka oo dhinaca kale ah. Hadii Maraykanu wax badan hore uga dhego adayga hadda ayay dani u run sheegtay oo uu ka soo degay Hargeysa isagoo oodihiisii iyo udbuhiisii wata. Waftigan culus oo ah kii ugu miisaanka waynaa ugu yaraan tobankii sanadood ee ugu dambeeyay ayaa loo qaadan kara bilaw xidhiidh cusub oo Somaliland iyo Maraykanka ka dhexayn doona mustaqbalka dhaw.
Maraykanku halka uu dan ka leeyahay ma jirto wax uu xeeriyo oo aan dantiiisa ahayn cid kalena uma joojiyo. Sidaa daraadeed Somaliland ayuun baa looga baahan yahay in ay si fiican iyadu u garato danta ay ka leedahay xidhiidhka cusub ee Maraykanka. Waayo wuxu gaadhi karaa ilaa iyo heer ay markii ugu horeysay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah
CALIGUREY
HARGEYSA, SOMALILAND

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this