Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo shaaciyey inuu noqon doono Boqorka 7aad ee Itoobiya+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Axmed oo shaaciyey inuu noqon doono Boqorka 7aad ee Itoobiya+Sababta

Ra'isulwasaaraha Itoobiya oo furumaha dagaalka ku sugan
Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo furumaha dagaalka ku sugan

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo celiyay xusuustii boqoradii Itoobiya kadib markii uu galay furumaha dagaalka ka dhanka ah kooxda TLPF.

Muuqaalo iyo sawirro cajiib ah ayaa laga duubay Abiy oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka, isaga oo xiran dareenka ciidamada, wax ku eegaya toorabiinka, geed hoostiisna ku jira.

„Kuwa doonaya in ay ka mid noqdaan wiilasha Itoobiya ee lagu xuso taariikhda, waa in aad u sare kacdaan dalkiina” ayuu yiri Abiy.

Prof. Kjetil Tronvoll oo wax ka dhiga jaamacadda Oslo ee dalka Norway ayaa sheegay in aysan shaki lahayn in talaabada Abiy uu ku galay dagaalka ay wax ka badeshay natiijada, balse wuxuu qirey in sawirrada ay muujinayaan in uu furunta u dhowyahay, ee uusan galin meesha ay xabbadda ka dhacayso.

Ciidamada TLPF ayaa kulaalayay magaalada Debre Birhan oo 130 KM oo keliya u jirta Addis Ababa ka hor intii aanan dib loogu riixin magaalada Weldiya oo 400 km u jirta caasimadda.

Duqeymo diyaaradaha Drone-ka ay u geysteen Maqale
Duqeymo diyaaradaha Drone-ka ay u geysteen Maqale

Prof. Tronvoll wuxuu sheegay in isbadelka ugu weyn ay ka timid dhanka diyaaradaha Drones-ka oo Itoobiya ay ka keensatay Turkiga, Shiinaha iyo Iran.

„Diyaaradaha nooca Wing Loong II ee Shiinaha ayaa ah kuwa aad ugu awood badan dhanka burburinta taangiyada, hubka culus ee madaafiicda goobta, iyo waliba ciidamada lugta ah oo ay bambaanooyin la dhici karto” ayuu yiri Prof. Tronvoll.

Abiy waxa uu sheegaa in uu la dagaalamayo koox u adeegaysa cadawga Itoobiya, isagana uu yahay kan u dagaalamaya soo celinta sharafta Itoobiya, si la mid ah boqoradii hore.

Bishii November ayuu Abiy kooxda TLPF la barbar dhigay ciidamadii Talyaaniga ee kusoo duulay Itoobiya , kuwaas oo lagu jabiyay dagaalkii Adwa ee 1896-dii, dagaalkaas oo uu hormuud ka ahaa boqorkii Itoobiya Menelik II, kaas oo kasoo jeeday gobolka Amxaarada.

Boqorkii Itoobiya Menelik
Boqorkii Itoobiya Menelik

Kumanaan qof ayaa dibad bax ka dhigay Addis Ababa, waxayna taageero xoog leh u muujiyeen Abiy iyo dowladiisa.

Dad badan oo Addis Ababa ka dhigay dibad bax
Dad badan oo Addis Ababa ka dhigay dibad bax

Sida uu qabo Cabdiraxmaan Sayid oo ah falanqeeye ku nool UK , Abiy wuxuu heley taageero weyn oo dadka Itoobiyaanka ah

” Waxa uu aad ula dhacsanyahay boqoradii Itoobiya soo maray, mar ayuu dad dhagaysanayay u sheegay in hooyadiis ay ku riyootay isaga oo boqor noqday , uuna noqon doono boqorka todobaad ee Itoobiya” ayuu yiri Prof Tronvoll.

“Obama ayaa heley abaalmarinta Nobel-ka isaga oo dagaal diyaaradaha Drone ka waday Afghanistan, balse wuxuu kaga duwanaaa Abiy wuxuu arrimaha ka hagayay qolka hawlgalada ee furunta ma uusan aadin sida Abiy oo kale ” ayuu yiri aqoonyahankani.

Abiy markii koowaad waxa uu tagay furumada bari ee dagaalka, halkaas oo ciidamada gaarka ah ee gobolka Cafarta ay ka dagaalamayeen. Gobolka Cafarta waa kan ugu xiga gobolka Tigreega.

“Dhaqan ahaan , qof kasta ah oo lab ah oo Cafar ah wuxuu haystaa qori marka uu gaaro da’da 15 jirka, waxaa loo yaqaanaa halyeeyo, waxa ay sameeyeen iska caabbin xoog badan, iyada oo markii ugu horeysay ay dagaalka galeen dumarka Cafarta” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sayid.

Qariirad muujinaysa meelaha ay dagaalada ka socdaan
Qariirad muujinaysa meelaha ay dagaalada ka socdaan

Cabdiraxmaan wuxuu qabaa in iska caabbinta Cafar ay TPLF ka hor istaagtay in ay gaaraan xuduudda Jabuuti, halkaas oo Itoobiya ay wax kasta uga soo degaan.

“Haddii ay TLPF qabsan lahayd xuduudda Jabuuti, dhaqaalaha Itoobiya jilbaha ayuu dhulka dhigan lahaa, wax badeeco ahna Addis Ababa ma aysan gaareen, sidaasi darteedna waxaa kordhi lahaa fursadaha ay TPLF ku qabsan karto Addis Ababa” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Abiy mar kale ayuu furaha ku noqday, waxaana muuqata in ciidamadiisa ay gaareen guulo , iyaga oo la wareegay magaalooyin kale.

Prof Tronvoll wuxuu qabaa in inkasta oo Abiy uu xajistay awoodda, haddane uu dhaawacay sumcaddiisii caalamka, isaga oo iska dhego tiray dhammaan baaqyadii xabbad joojinta, xilli lasoo weriyay in ciidamadiisa ay galeen gabood falo.

Balse Cabdiraxmaan Sayid wuxuu qabaa in Abiy uusan lahayn dookh badan iyo kala doorasho, uuna ku qasbanaa in uu iska caabbiyo TLPF.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this