Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Degmada Berbera Ee Xisbiga UCID Oo Muddo Kooban Gudaheed Markii Saddexaad Lagu Xidhay Magaalada Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Khaliil Xuseen Muuse oo ah guddoomiyaha degmada Berbera ee xisbiga UCID ayaa muddo kooban gudaheed markii saddexaad lagu xidhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil

Xildhiban Cabdirashid Maxamed oo ka mid ah golaha deegaanka degmada Berbera ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Khaliil Xuseen Muuse waxaanu yidhi sida tan:

“Khaliil Hussein Muse oo muddo kooban markii sadexaad lagu xidhay magaalada Berbera waxaan u arkaa gef iyo awood sheegasho uu Maayar ka Berbera u badheedhay, waana bahdilaad iyo cagojuglayn uu ku cabudhinayo dhalinyarada xorta ah ee reer Berbera.

Maaha wax la aqbali karo wiil dhalinyaro ah inuu ku xidho dhaliil maamul oo uu Facebook ku qoray isagoo ah masuulkii ugu sareeyey degmadda Berbera.

Waxaan u sheegayaa maayar-ka in dhalinyarada reer Berbera wiilal iyo habloba ay xor u yihiin cabiraada fikirkooda iyo dhaliisha shaqada aynu u hayno maaddama oo aynu iyaga adeegayaal u nahay, haku fekerin in dhamaan dhalinyarada ka dhigi karto kooxda yar ee #TEAM_GUNNO ee baraha bulshada kaa amaana.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this