Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab Oo Burburiyay Xarunta Maamulka Degmo Ka Tirsan Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo degmada Ceeldheere ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka al-shabaab ay burburiyeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada iyo xarunta maamulka deegaanka Ceeldheere.

Al-shabaab oo xalay la wareegay degmada ayaa la sheegay in ay dadka deegaanka ku wargeliyeen in ay isdejiyaan.

Ceeldheere ayaa magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug u jira qiyaastii 30 km, waana mid kamid ah goobaha isteraatijiga ah.

Ciidamada dowladda gobaleedka galmudug ee ku sugnaa degmada Ceeldheere  ayaa la sheegay in ay isagabaxeen degmada ka hor inta aysan kooxdan la wareegin.

Maalin ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale xubna ka tirsan ururka alshabaab ay ula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan ee kala qeybisa gobalada Galgaduud iyo Hiiraan, sidoo kalena ay gubeen saldhigii degmada Matabaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this