Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhadda TPLF Oo Si Kulul Ugu Jawabaabtay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Afhayeen u hadlay mucaaradka TPLF, ayaa sheegay in digniinta uu u soo jeediyey Mareykanka mucaaradka ay tahay wax aan la aqbali karin, gaar ahaan isku daygooda la xidhiidha dhanka galista caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey digniinta Mareykanka katimid mid waxba kama jiraan ah.

Bishii ina dhaaftey ee October, jabhadda TPLF ayaa qabsatay magaalooyinka Kombolja iyo Desse, oo ku yaalla waqooyi galbeed ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxay qabsadeen TPLF wado weyn oo halbawla ah, taasoo gobolka Tigreega ku xidheysa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, iyadoo taa sare u qaadey suurta galnimada ay TPLF ku gali karto magaalada Addis Ababa.

Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey wax lagu qoslo digniinta iyo hadalada kasoo yeedhaya Mareykanka. Wuxuu intaa ku darey afhayeenku in Mareykanku aaney dooneyn in TPLF ay galaan magaalada Addis Ababa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this