Sign in to follow this  
Deeq A.

R/Wasaare Rooble oo safar dibadda ah u baxaya maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan dalka aynu walaalaha nahay ee  Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay uga bilaabineyso booqasho rasmi ah.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka amba-baxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ujeedka safarkiisa laga helayaa faah faahin dheeri ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Jabuuti u tegaya inuu soo xiro dood cilmiyeed uu Machadka Cilmi-Baarista Heritage dalkaas ugu qabtay aqoonyahano & bulshada rayidka ah, taas oo lagu gorfeeyey xaaladaha haatan ka taagan, qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa la siiyey khudbadda ugu dambeysa ee xiritaanka Madashan, isaga oo ka warbixin doono marxaladahii ay soo martay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qalalaasaha ka jira qaar ka mida dalalka dhaca Geeska Afrika.

Sidoo kale Rooble ayaa inta uu joogo Jabuuti kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ay ka wada-hadali doonaan xaaladaha taagan, sida doorashada.

Booqashada Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo beegmeysa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Waa markii labaad ee uu ra’iisul wasaaruhu tegayo Jabuuti, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha, si uu u hoggaamiyo xukuumadda, inta lagu jiro doorashooyinka 2021.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post R/Wasaare Rooble oo safar dibadda ah u baxaya maanta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this