Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhul-gariir ka dhacay dalka Indonesia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhulgariir cabbirkiisu sarreeyo ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku dhuftay bariga dalka Indonesia, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Mareykanka (USGS), iyadoo digniino laga soo saaray surtagalnimada mowjado dhulgariir ah oo ku dhufta dalka Indonesia

Dhul-gariirku wuxuu ka dhacay waqooyiga jasiiradda Flores ee gobolka Nusa Tenggara ee bariga Indonesia ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.3 RS, halkaasoo dhulgariirku ka dhashay argagax ka dib markii uu dhacay 0320 GMT.

Hay’adda saadaasha hawada ee Indonesia,Climatology, iyo Geophysical Agency oo loo yaqaan BMKG ayaa goor sii horaysay sheegtay dhulgariirkan cabirkiisu ahaa 7.4, waxayna ka digtay Tsunami suurtagal ah.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah ee  ka dhashay deegaannada laga dareemay dhulgariirku, balse maamulka ayaa ku baaqay in laga digtoonaado.

PUNTLAND POST

The post Dhul-gariir ka dhacay dalka Indonesia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this