Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DF oo howl-gal ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda maanta ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan si gaar ah loogu burburiyey xarumo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Gambarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo dhammaan hoostaga gobolkaasi, kadib markii ay ciidamadu gudaha u galeen deegaanadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen fariisimo ay dagaalayahanada kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna la wareegeen gabi ahaan gacan ku heynta saddexdaas deegaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale xarumo cusub ka sameystay halkaasi, waxayna saraakiisha horkaceysa sheegeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in lagu kor dagaalamo, maadaama ay labada dhinac wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay sida weyn ugu xoogan tahay Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro khasaare kala duwan geysta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

265993974_4462154090549331_5538553420268 261707762_4462154707215936_6625286434063 264659603_4462154853882588_6534810309461 265572532_4462154530549287_6854930487350 265591417_4462155377215869_5461293625935

The post Sawirro: Ciidamada DF oo howl-gal ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this