Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida duullaanka Ruushku ku qaaday Ukraine ugu gudbi karo Dalalka Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida duullaanka Ruushku ku qaaday Ukraine ugu gudbi karo Dalalka Yurub

,

Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa ka digay in haddii Ruushku go’aansado inuu ku duulo Ukraine, ay dhici karto in colaaddu u sii gudubto Yurub.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta oo ay ku jiraan kuwa BBC-da, sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa yiri: “Yaynaan indha is tirin, haddii Ruushku bilaabo hindise cusub noocuu rabo ha ahaadee, wuxuu sidoo kale qaadayaa tallaabo ka dhan ah isbahaysiga NATO”

“In loo maleynayo in dagaal lagu xakameyn karo hal waddan waxay noqon doontaa nacasnimo,” ayay raaciyeen.

Walaacaas waxaa ka dhawaajiyay sarkaalka ugu sarreeya militariga Britain.

Talaadadii, Taliyaha Ciidanka Difaaca, Admiral Sir Tony Radakin, ayaa u sheegay wariyeyaasha: “Ahmiyadda xaaladaha ugu xun marka loo eego duullaan buuxa waxay noqon doontaa miisaan aan lagu arag Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka”.

Admiral-ka ayaa ku tilmaamay ciidamada Ruushka ee la keenay xadka uu la wadaago Ukraine mid aad looga walaaco.

Inkastoo Mareykanka iyo xulafadiisa Nato ay digniino ka soo saareen duulaan kasta oo uu Ruushku ku qaado Ukraine uu yeelan doono “cawaaqib dhaqaale oo ba’an, haddana waxaa weli socda ciidamada ay xukuumadda Moscow ay xuduudda ku soo daabulayso.

,

Sirdoonka reer galbeedka ayaa ku qiyaasay in ciidamo rush ah oo gaaraya ilaa 100,000 oo askari ay horay ugu sugnaayeen meel u dhow xudduudda Ukraine, kuwaas oo wata taangiyo iyo madaafiic. Washington ayaa sheegtay in laga yaabo in ciidmadaas la sii kordhiyo oo la gaarsiiyo 175,000 dhamaadka Janaayo.

Sarkaal sare oo reer galbeed ah ayaa sheeagay in ciidmada Ruushka ee xuduudda la soo dhoobay aysan haysan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin taageero dhanka saadka ah oo buuxda, kaydka rasaasta, isbitaallo iyo bangiyada dhiigga.

Sidee dagaalku noqon karaa?

Haddii uu Ruushku go’aansado inuu ku duulo Ukraine, sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in dad aad u badan ay barakici doonaan.

“Waxaan jiri doona tiro aad u badan oo qaxooti ah, dhimashaduna si waxayna noqon doontaa mid aad u badan waxaa sidoo kale burbur xooggani soo gaari doonaa Ukraine,” ayuu yidhi.

Dagaalka ka qarxay bariga Ukraine sanadkii 2014 ayaa waxaa horay ugu dhintay 14,000 oo qof, waxaana ku barakacay dad lagu qiyaasay 1.4 milyan.

Laakiin sarkaalku wuxuu sheegay in Ruushku uu sidoo kale bilaabi karo tallaabooyin ka dhan ah dalalka xubnaha ka ah Nato sida internetka iyo xitaa weerarro toos ah.

Damaca Putin

Reer Galbeedka wali ma cadda ujeedada Madaxweyne Putin. Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa ka digay in “qorsheyaal militari ay miiska u saaran yihiin Aqalka Kremlin” haddii dalabaadka Ruushka lagu qanci waayo.

,

Inkastoo sarkaalku uu sheegay inay adag tahay in la yiraahdo kuwan dhamaantood waxay la xiriiraan istaraatiijiyad, haddana waxay muujisay inay jirto arrin ka taagan dhanka bari ee Yurubta Bari.

Waxa uu sheegay in xaalada amni ee Yurub ay tahay mid aan horey loo arag tan iyo markii la riday daahii birta.

Dalabka Ruushka, iyo xal dublamaasiyadeed

Maraykanka iyo Nato ayaa si cad u sheegay inay doonayaan inay wadahadal la galaan Ruushka si looga fogaado colaad, sidoo kale Moscow waxay doonaysaa in wada hadalku sii socdo.

Madaxweyne Biden ayaa kullan dhanka taleefoonka ah kula yeeshay madaxweyne Putin horraantii toddobaadkan waxa uu ahaa mid bilow ah waxaana xigi doona wadahadallo kale oo uu la yeesho xubnaha kale ee Nato.

,

Laakiin dalabaadka Ruushka iyo waxa loogu yeero “khadka cas” ayaa dublamaasiyadda adkeynaya.

Ruushka ayaa doonaya in loo xaqiijiyo in Ukraine aan marnaba loo ogolaan doonin inay ku biirto Nato; in xubnaha Nato aysan yeelan doonin ciidamo joogto ah ama kaabayaal saldhig u ah Ukraine; iyo in la joojiyo dhoolatusyada militari ee ka socda meel u dhow xadka Ruushka.

Nato waxay ku adkaysanaysaa inay tahay isbahaysi difaac oo aanay khatar ku ahayn Ruushka.

Laakiin xulafada ayaa sidoo kale si cad u sheegay in ay aaminsan yihiin in Ukraine ay xaq u leedahay in ay go’aan ka gaarto go’aankeeda qaran madax-bannaan, oo aysan diyaar u ahayn inay Ruushka siiso diidmada qayaxan ee mustaqbalka Ukraine.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this