Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartan Quruxda Geella oo ka socda Saudi Arabia+Shuruudaha tartanka & Tiknoolajiyada Garsoorayaashu Adeegsanayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Tartan Quruxda Geella oo ka socda Saudi Arabia+Shuruudaha tartanka & Tiknoolajiyada Garsoorayaasha Adeegsanayaan

 

Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad casri ah
Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad casri ah

In ka badan 40 geel ah ayaa tartanka quruxda Geela ee dalka Sacuudiga laga reebay ka dib markii la ogaaday in irba lagu muday si faruuruhu u waynaadaan islamarkana qaarkood loo soo marayay waxyaabah jirka lagu qurxiyo.

Tartankan oo lagu magacaabo tartanka boqor Cabdul casiis ayaa waxaa lagu bixiyaa abaalmarin qaali ah.

Tartanka quruxda Geela ayaa qofka uu geelkiisu ku guuleysto waxaa la siinayaa lacag dhan $66 milyan oo doolar.

Waxyaabah la eegayo tartankan waxaa ka mid ah faruuryo dhaadheer , San balaaran iyo kurus dheer.

Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad “hormarsan” si loo kala saaro geela asalka ah iyo kuwa la isticmaalay kimikooyiin si loo qurxiyo , sida ay sheegtay wakaalada wararka ee sacudiga.

Dhammaan Geela tartanka laga soo qeyb galiyay ayaa waxaa marka dhammaantiis la galiyay meel lagu baaro oogada kore ee Geela iyo waliba iyo dhaqdhaqaaqiisa taasi oo ay sameynayeen khubaro arrimahan ku taqasusay.

Waxaa sidoo kale Geela tartanka ka qeyb galayay la mariyay qalabak lagu baaro uur-kujirta iyo lafaha iyo waliba iyada oo laga qaadayay dhiiga hidda sidaha.

27 ka mid ah tartamayaasha koobka loogu talagalay geela Majaheem ayaa laga reebayaa tartanka ka dib markii la ogaaday in lafahood ay wax ka qaldan yihiin halka 16 ka mid ahna laga saaray tartanka ka dib markii la ogaaday in lagu muday irbad jirkooda wax ka badashay.

Qabanqaabiyayaasha tartankan ayaa waxay sheegeen inay “aad ugu faraxsan yihiin in ay joojiyeen geela qurxinta aan dabiiciga ahayn lagu sameeyay islamarkana waxay ballanqaadeen in mustaqbalka ay soo rogi doonaan ganaaxyo adag si looga hortago khiyaanada “.

 

Khubrada ayaa intaa ku dartay in sanka, faruuyaha iyo madaxa qara ka mid ah Geela tartanka ka qeyb galayay lagu duray irbad si SankA iyo Faruuryahu u noqdaan kuwa ballaaran.

Tartanka quruxda Geela ee King Abdulaziz Camel Festival ayaa ah midka ugu wayn caalamka.

Ilaa 33,000 oo geel ah oo ka kala yimid meelo fog fog sida Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ayaa ka qeyb galaya tartankan.

Tartanka ayaa soo bilaabmay 1-dii December, wuxuuna socon doonaa muddo 40 maalmood ah, sida ay sheegtay warbaahinta sacuudiga.

Ilaa 100,000 oo dalxiisayaal ah ayaa sidoo kale la filayaa maalin kasta inay tagaan goobta xafladda oo 100km waqooyi-bari ka xigta caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this