Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalkeena ma wadi karaa dhaqaale dakhli oo ku tiirsan cashuur kaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
DALKEENA MA WADI  KARAA DHAQAALE DAKHLI OO KU TIIRSAN CASHUUR KALIYA ?
 Dalkeena ma wadi karaa dhaqaale dakhli oo ku tiirsan cashuur kaliya
Sidee ayey dawladu ilo dhaqaale iyo wax soo saar u abuuri kartaa ?
Dhaqaalaha dalku waxa uu ku tiirsan yahay hadda dakhliga ka soo gala cashuuraha , gaar ahaan kastamada dalka oo 81% ah iyo Cashuuraha bariga oo ilaa 19% ah .
Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa ku yaal ilaa 20 kastam cashuureed iyo goobo hubineed isugu jira oo ku kala yaalla xuduudaha dalka ee Badda , dhulka iyo Garoomada diyaaradaha oo sadexda xad ee ay dalka wax ka soo gali karaan.
KASTAMADA
Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ka soo gala kastamada dalku sida ku cad odoroska miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland  waxa laga doonayaa ;
Kastamka Berbera 66% dakhliga guud ee kastamada in uu soo saaro oo u dhiganta = 1,091,420,969,165.
Kastamka Kalabaydh 21% dakhliga guud ee kastamada in uu soo saaro oo u dhiganta = 349,042,357,141.
Kastamka Zaylac 6% dakhliga guud ee kastamada oo u dhiganta = 94,993,358,272
Kastamka Airport Hargeisa 2.5% dakhliga guud ee kastamada oo u dhiganta = 40,255,703,160.
Halkaasi waxa ka cad 95% in laga sugayo odoroska dakhliga afartan kastam , dakhliga guud ee laga sugayo dhamaan kastamaduna waxa uu noqonayaa = 1,642,245,360,896.
CASHUURAHA BERIGA
Cashuurta beriga saamiga ugu badani iyagana waxa uu ka soo baxa ;
Hargeisa 67% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka.
Berbera 19% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka .
Burco 4.7% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka .
Borama 4.6% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka
Gabiley 2% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka .
Magaalooyinkani waxa ka soo baxa dakhliga cashuuraha bariga dalka 97.2% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka oo dhan = 353,226,644,648 halka uu ku talogalka sanadka 2021 na ahaa 378,676,457,417.
Halka dalka inta kale oo dhami isku noqon doonto 2.8.
Intaasi waxa soo raaca furitaanka Airportka Berbera oo laga yaabo in uu dakhli badan soo kordhiyo iyo casriyeynta marsada Maydh oo iyadana la filayo korodh dakhli in ay la timaado mustaqbalka.
Laakiin intani oo kali ahi qaranka jamhuuriyada Somaliland uma noqon karto dhaqaale,  waxaana lagama maarmaan ah in loo fekero in qaranka sidii dhaqaale kale loogu abuuri lahaa iyo ilihii la maal galin lahaa la baadi goobo mustaqbalka.
Fiirogaara; waa dakhliga dawladda dhexe oo aanu ku jirin dakhliyada dawlaha hoose ee dalku.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this