Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Ururka Dowladdaha Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   
2-9.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Wasiirka Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahiro kaga qeybgalay shirka 14-aad ee ururka Waxbarashada hiddaha iyo Cilmiga u qaabilsan waddamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaalada Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis.

Wasiirka Waxbarashada Eng Cabdullahi Carab oo warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, ayaa u sheegay in Waxbarashada Soomaaliya ay sameyneysay xaalad soo kabasho ah sidoo kalana dowladda ay hiigsaneyso in ay horumariso Waxbarashada iyo Cilmi-baarista.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doonaan dhigagooda Wasaaradda Waxbarashada Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Ururka Dowladdaha Islaamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this