Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay ee magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Qardho ayaa tan iyo shalay waan-waan waan ka dhex waday mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adda PSF.

Siyaasiyiinta ayaa sida wararku sheegayaan kulamo kala duwan la yeeshay labada dhinac si loo xalliyo is-maran-waaga ka taagan xilka qaadista Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Kulamada ku saabsan xallinta murankaas ayaa lagu wadaa in ay sii socdaan inkastoo aysan weli jirin wax natiijo ah oo laga gaaray waan-waanta labada dhinac.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa deggan islamarkaana lama soo werin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo hadda ka jira halkaas.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay ee magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this