Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xiiso leh:-Turkiga iyo Drones kooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin Xiiso leh:-Turkiga iyo Drones kooda.

drone-1.jpg
Labadii sanno ee inna dhaafay, Turkigu waxa ay farsameeyeen diyaarado ah nooca is wada oo aad warkoodu caalamka u gu faafay. Diyaaradahaas oo awoodo milatari leh waxa u gu caansan Bayraktar TB2 iyo Akinci, tan dambe ayaana si walba u ga awood badan midda hore. Drones ka Turkigu waxa ay soo jiiteen indhaha caalamka, ka dib wacdarihii ay ka muujiyeen Suuriya, Liibiya iyo Asarbajaan, dhawaan na waxa lagu muquuniyay jabhadda dadcunka ah ee TPLF, iyada oo laba maalmood oo keliya laga burburiyay todobaatan dabaabadood. Jabhaddii Janaral Xaftar ee loo daacad waayay, ee xal oo dhan diiday, hal usbuuc gudahiis baa edeb loogu yeelay. Xaftar waxa ay dani yeelsiisay in uu la heshiiyo dawladda Tiriibuli fadhida ee caalamku aqoonsanyahay. Keligii ma aha ee Imaaraadkii Xaftar dabada ka waday ayaa Ordogan gacmihiisa dhunkaday, oo Ankara u gu tegay.
Labadaba waxa ka sii horeeyay Dugaag Bashaar-al-asad iyo eydiisii dadcunka ahayd wixii ku dhacay Febraayo 2020, kolkii ay dooneen in ay Idlib cagta mariyaan. Idlib oo Suuriyaan kii wadanka qaybihiisa kale ka soo cararay ay ka dhigteen xero-qaxoonti weyn, ayuu Bashaar doonay in uu dadkii ku noolaa hilbahooda karsado, baaqyadii caalamka oo dhan na dheg buu jalaq u siin waayay. Wixii uu dabaabad iyo daasad hayay buu isku soo duway, waanu soo dhaqaajiyay. Ciidanka Turkiga oo adeegsanaaya drones kaas oo raadaaradii Ruushku qaban waayeen, ayaa Dadcun Bashaar saacado kooban gudahood ka dilay in ka badan 2500 oo askari, isla markaana ka burburiyay 130 dababaadood, tobanaan diyaaradood oo noocyo kala duwan ah iyo raadaaradii difaacca circa.
Hadaba Turkiga iyo Drones kaan halkee sheekadoodu ka bilaabatay?
Sanadkii 1996, ayay ahayd markii u horaysay ee Turkigu ay soo iibsadeen diyaaradaha is wada oo Maraykan sanceeyay. Diyaaradaahaasu ma ahayn kuwo weerar geli kara – keliya waxa ay ahaayeen kuwo xog ururin iyo basaasnimo loo adeegsado. Turkigu waxa ay la diriraayeen kooxda Kurdiyiinta gooni-u-goosadka ah ee PKK, kuwaas oo ku dhuumaalaysan jiray Koonfur-bari buuralayda ah ee Ciraaq iyo Eeraan raacsan. Kolka ay diyaaradahaasu xogta soo qadaan, ee loo baahdo in talaabo laga qaado PKK, inta ay diyaaradaha F16 soo socdaan ayay ciddii la soo ilaaleeyay ee hadafku ahaa Meesha iskaga carari jirtay.
Turkiga oo taas ka xun, ayaa Maraykan ka codsaday in laga gado drones xogta ururiya, isla markaana weerar qaadi kara, waa se laga diiday. Sanadkii 2010 iyo 2012 laba goor ayaa Baarlamaanka Marykan is hor taageen isku day looga gol lahaa in Turki lagaga iibiyo diyaaradahaas. Maraykan cidda soo racday ee sancadaas haysay waxa ay ahayd Israaiil, iyaku na sanaddii 2006 ayay Turki ka iibiyeen toban drone, shan sanno ayayna qaadatay in ay Talaabiib ka soo jawaabto dalabkii Turkiga. Intaas waxa dheeraa, diyaaradaha Israaiiliyiintu xoog ayay u cilad badnaayeen, isla markaana Israaiil ma ogolayn in Turkigu ay far saaraan qalabkaas. Heshiiska iibka ayay ku dareen in farsamo-yaqaanno Israaiil ka socdaa ay diyaradahaas ka shaqaysiiyaan, Turkigu na waa yeeleen, waxayna aaminsanaayeen in wixii xog ah ee diyaaradahaasi ay ururiyaan oo dhan in sirdoonka Israail loo gudbiyo.
Cadho is biirsatay oo waxaas ka dhalatay, ayaa sababtay in Turkigu ay ka fikiraan in ay sancada tan ah gacantooda kaga ciil baxaan, waanay u suurowday. Nin yar oo lagu magacaabo Selçuk Bayraktar ayaa lafdhabar u ah hawshan, isaga ayaana loogu magac daray diyaaradaha midkkood. Jaamacadda MIT (Massachusetts Institute of Technology) ayuu ka baxay, isaga oo 26 jir ah buuna 2015 kii Turkiya ku soo laabtay. Shirkad qoyskoodu lahaa oo sancada tan ah hore u gu shuqlanayd buu xoojiyay, waana ka midho dhaliyay. Shan sanno gudahood, Turkigii drones ka dawarsan jiray isaga ayaa maanta la dawarsanayaa oo albaabkiisa la garaacayaa. Drones ka Turkigu waxa ay awoodaan in ay ku duulaan joog xoog u sareeya (40,000FT), in ay saacado badan hawada ku jiraan, iyo in ay beegsan karaan hadafyo circa, dhulka iyo badda hoosteda/guudkeeda intaba ah, raadaarku na aanu qabanin.
Isku soo wada duub, sancada casriga ahi cidna gooni ma ula dhalan. Waa la kala dadaal badanyahay, sida dadaalka loo kala badsado, ayaa guusha na loogu kala horeeyaa uun. Besba.
Maxamed Haaruundrone.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this