Sign in to follow this  
Deeq A.

Saxiixaha kursiga uu Mahad Cawad ‘ku guuleystay’ oo war xasaasi ah soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdillaahi Ugaas Aadan Ugaas Xaaji Xuseen oo ah Ugaaska guud ee beesha Cabdale ayaa si adag uga horyimid doorashada kursiga HOP#104, oo la sheegay inuu ku soo baxay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka, Mahad Cawad.

Waxa uu sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo doorasho, midda uu ku soo baxay Mahad Cawad “ay tahay been la dhoodhoobay iyo boob cad”, sida uu hadalka u dhigay.

“Ugaasyada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan ayaa kamid ahay, Kursigaas ergo ma dooran, Ugaaskii guud aniga ah oo ma saxiixin, Odayaal aan soo xulay iyo wax habraac ah oo Dastuurka ogol yahay looma marin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kursigaas uu saxiixay Nin Askari ah oo lagu magacaabo Dhakow, kaasi oo sharci darro ku ah hanaanka doorashada iyo Dastuurka dalka.

“Musharaxiinta waa loo diiday shahaadadii tartanka marqaati baa ugu nahaya Saleebaan Cabdalle waa loo diiday Kursiga, aniga oo ah Ugaaskii waa la iga hor istaagay. Dacwad ayaa ka gudbinay.”

Waxa uu intaas kusii daray inay ka go’an tahay in si gaar ah u sameystaan doorashada kursigaas, haddii wax laga qaban waayo doorasho ku sheega uu ku soo baxay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Kursiga HOP#104 ayaa waxaa sida la fahamsan yahay waxaa si gaar ah loogu xiray Mahad Cawad, wuxuuna ka mid yahay kuraasta ay ka taagan tahay cabashada ugu culus, waxaana isa-soo taray mad-madow ku gadaaman doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Saxiixaha kursiga uu Mahad Cawad ‘ku guuleystay’ oo war xasaasi ah soo saaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this