Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Soomaali Ah Oo Loo Doortay Maayirka Magaalo Weyn Oo Ka Tirsan Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Deegaanka magaalada South Portland ee dalka Maraykanka ayaa Deeqa Cabdi Dhalac u doortay inay noqoto Duqa magaalada South Portland Gobolka Maine ee dalka Maraykanka.

Deqa Cabdi Dhalac oo ka tirsanayd Golaha deegaanka magaalada South Portland, gaar ahaan xaafadda 5-aad waxay dalka Maraykanka gashay sannadkii 1992, waxayna wax ku baratay dalka maraykanka, iyadoo in muddo u adeegaysay dadka ku nool Magaalada South Portland ee Gobolka Maine, gaar ahaa dadka soo galootiga ah.

Deeqa ayaa sannadkii 2018 loo doortay Golaha deegaanka Magaalada South Portland, gaar’ahaan Xaafada 5-aad.

Marwo Deqa Dhalac ayaa waxay noqnaysaa gabadhii ugu horraysay ee soo galooti Africaan Soomaali ah Muslim ah oo loo doorto Duqa magaalo ka mid ah magaalooyinka Maraykanka.

Mayor-Deeqa-Abdi-Dhalac-of-South-Portlan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this