Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo qaabilay saraakiil ka socday hay’adda UNODC

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliye.jpg?resize=1000%2C665&ssl=1

Taliyaha Ciidanka booliska DPL Maxamed Cali Xaashi oo Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socday UNODC ee AFRIKA iyo Soomaaliya Kahortaga Human Trafficking Mr. Paul Beck.

Taliyaha Ciidanka booliska Puntland Sareeye Guuto Mohamed Ali Xaashi waxaa ku weheliyay kulanka Taliyaha hogaanka CID Puntland Gen. Omar Bille iyo Taliya kuxigeenka labaad ee Hogaanka CID Puntland G/Sare Abshir Hussein Said Dabaylaha.

Taliyaha ayaa saraakiisha marka hore kusoo dhoweeyay Taliska Ciidanka Booliska Puntland iyagoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Waaxaha Crime prevention, iyo Unitka Human trafficking, iyadoo laysku afgartay in lakordhiyo Ciidanka CID ee kahawlgala xuduudaha iyo meelaha tahriibtu kahawlgasho,iyadoo kor looqaadayo tayada iyo tababarida ciidanka CID gaar ahaan Unityada Human traffickingka, Crime preventionka, Iyo intelligenceka.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad, iyadoo laysku raacay dardargelinta qorshayaasha hawlaha amniga ee uu Taliyaha ciidanka Boolisku uu leadgaraynayo.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo qaabilay saraakiil ka socday hay’adda UNODC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this