Sign in to follow this  
Deeq A.

  Maxkamadda Sare  Ee Somaliland ayaa dhex-dhexaadin (Arbitration) ku dhamaysay dacwad la xidhiidhay Markab Berbera ku xayirnaa.

Recommended Posts

Deeq A.   
 Markab-AL_RUWAIS.jpg
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay cabasho ay u soo gudbiyeen wakiilka shirkadaha Oomaar, Saba-wanaag, Cali Burco, Samaale, Horseed, Barako, Qoormadoobe iyo Nuux oo uu wakiil u yahay Maxamed Cismaan Cabdi iyo Markabka MV Jabal Cali 3 oo ay leedahay shirkada Kenz oo uu wakiil u yahay Liibaan Axmed Maxamed Cashuur.
Markabka Jabal Cali 3 ayaa xayirnaa tan iyo 02/11/2021, kadib markii Maxkamadda Gobolka Saaxil ay xayiraad saartay, taasi oo salka ku haysay dacwad ay u soo gudbiyeen shirkadaha sare ku xusan oo uu ka maqnaa Markabka Jabal Cali 5 oo u siday hanti gaadhaysa ilaa 7 milyaan oo doolar. Dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxaysay ee isku maan-dhaafsanaa arrinta Markabka Jabal Cali 3 xayiraadiisa ayaa Maxkamadda Sare u soo gudbiyay cabasho ku qotonta arrintooda, taasi oo ay Maxkamadda Sare ku soo af-jartay dhex-dhexaadin (mediation and arbitration) ay labada dhinacba heshiis ku yihiin, si loo soo furdaamiyo hantida ka maqan shirkadaha waddaniga ah, isla markaana uu Markabka Jabal Cali u sii wato shaqadiisa.
Maxkamadda Sare waxay go’aamisay in Maxkmadda Gobolka Saaxil ay xayiraada ka qaado Markabka Jabal Ali 3, marka ay fuliyaan dhinacyadu heshiiska ka soo baxay, wada-hadalka (negotiation) iyo dhex-dhexaadinta (mediation & arbitration) ay Maxkamadda Sare ku soo gunaanaday murankii u dhexeeyay labada dhinac, sidoo kale dhex-dhexaadinta lagu so af-jaray muranka waxa ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.
Arrintan wada-hadalka iyo dhex-dhexaadinta ee lagu furdaamiyay Markabka ayay Maxkamadda Sare ku xalisay dacwaddo muddo dheer taagnaa oo wakhti qaatay isla markaana xal iyo maarre loo waayay.
Wa bilaahi tawfiiq.
 
 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this