Sign in to follow this  
Deeq A.

Khabiir Maraykaana oo si adag u duray adeegyada Shirkada Fly Dubai & Khiyaamooyinkay kula kacday dadka Tigidhadeeda  goostay

Recommended Posts

Deeq A.   

Khabiir Maraykaana oo si adag u duray Adeegyada Shirkada Fly Dubai & Khiyaamooyinkay kula kacdo Dadka Tigidhadeeda  goostay

 

Michael Rubin Oo Ah khabiir ku Takhasusay Arrimaha Siyaasada Islamarkaana Hore Uga Soo shaqeeyey Aqalka Cad Ee Dalka Maraynkanka looga Arrrimiyo, sidoo Kalena faallooyin ka qora Geeska Africa Gaar Ahaan Somaliland Oo Uu Qadiyadeeda Marar badan u bandhigay bulshada Caalamka Kuna Daabacay warbaahinta ugu afka dheer dalka Maraykanka ayaa caawa qoraal uu kusoo baahiyey bartiisa Twitterka waxaa uu si kulul u dhaleeceeyey Adeegyada Shirkada Diyaaradaha Ee Fly Dubai, Waxaanu Qoraalkiisa ku sheegay khabiir Michael Rubin in shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai Aanu Arag shirkad ka sumcad xun fly dubai oo kale,Wuxuna Yidhi; “Iyaga Oo Joojiyey Duulimaadyo ay ugu Kicitimi Jireen Meelo kala duwan ayay  haddana Tigidhada lagu raaco diyaarada ku iibinayaan xafiisyadooda iyagoo og in aaney u dhoofaynin meelaha ay dadka u jarayaan tigidhkooda”.

micheal.jpg

waxaanu ku sheegay in ay tahay khiyaano cad oo ay shirkada Fly Dubai ku sameynayso bulshada, iyagoo foojaro aan macno lahayn u jaraya bulshada oo khiyaano ah.

I have never experienced as disreputable airline as @flydubai, @askflydubai. They cancel entire destinations but knowingly sell tickets to places they do not fly. How is this not fraud? Vouchers meaningless when destinations not served.

— Michael Rubin (@mrubin1971) December 7, 2021

 

Dhaleecaynta uu Ujeediyey  khabiir Michael Rubin shirkada Fly Dubai ayaa kusoo beegmaysa Xili Ay Dhawaan Fly Dubai sheegtay in joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Somaliland ee bulshadu u raaci jireen wadamo kala duwan, Iyadoo aaney jirin sabab rasmiya oo loo sheegay dadkii wakhtiga ay go’aankaa soo saartay shirkadu ka goostay tigidhada diyaaradeeda ee udiyaarka  ahaa duulimaadyadooda in Ay raacaan taasi oo iyana khasaare dhaqaale ku keenay kumanaan kamid ah dadka raacayay.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this