Sign in to follow this  
Deeq A.

Inan Yar oo Khabiir ku ah Cillad-bixinta Mootooyinka “Dhugdhugleyda”

Recommended Posts

Deeq A.   

Inan Yar oo Khabiir ku ah Cillad-bixinta Mootooyinka “Dhugdhugleyda”

Susanna Adjakie Apekor: Kutana na msichana wa umri wa miaka 9 fundi wa pikipiki
Susanna Adjakie Apekor

Carrur badan oo da’deeda ah ayaa u ooya in loo iibiyo jallaato, qaarkood ayaa waqtigooda ku qaata daawashada kaartuunnada halka kuwo kalena ay bannaanka ku cayaaraan balse Susanna Adjakie Apekor way ka duwan tahay carruurtaas.

Susanna ayaa waxay ku takhasustay dayactirka mootooyinka, mar ay la hadleysay BBC Pidgin waxay sheegtay in haatan carruurta da’deeda ah ay bari karto sida loo farsameeyo motooyinka.

Maxaa ku dhaliyay howshan?

Sasanna ayaa sheegtay in markii ay saddex jir ahayd, uu aabbaheed arki jiray iyada oo mashquulsan.

Msichana huyo hukarabati pikipiki zilizoharibika
Gabadhan ayaa dayactirta mootooyinka

Maalin ayaa aabbaheed wuxuu u sheegay inuu dayactiro mootooyinka.

Sidaas darteedna iyada uu bari karo sida loo dayactiro mootooyinka.

Hooyadeed ayaa aad u soo dhoweysay fekerkaas waxayna kaddib u guureen halkii uu aabbaheed ka shaqeyn jiray si uu gabadhiisa u baro shaqadaas.

Aabbaheed Awudu ayaa BBC Pidgin u sheegay in inkastoo aysan gabadhiisa gaarin heerkii uu rabay, haddana dardarta ay wax ku baraneyso uu aad ula yaabay.

Durba waxay kala baratay qalabka ku jira bakhaarrada, taas oo ah wax aan laga fileyn qof da’deeda ah.

Maaddaama ay si fiican wax u baraneysay hooyadeed ayaa u oggolaatay inay sii wadato barashada dayactirka mootooyinka.

Sida uu sheegay Awudu, ma jirto cillad mootooyinka ah oo aysan Susanna farsameyn karin.

Sidee ayay isugu waddaa waxbarashada iskuulka iyo shaqadan ?

Maalintii Susanna waxay aaddaa iskuulka si la mid ah carruurta kale.

Haatan waxay dhigataa fasalka saddexaad.

Sussana yuko darasa la tatu katika shule ya msingi ya Christ Victory School, Dodowa.
Sussana waxay dhigataa iskuulka Christ Victory School, Dodowa.

Mar ay la hadleysay BBC Pidgin ayaa Susanna waxay sheegtay in marka ay iskuulka ka soo baxdo ay dharka iska beddesho kaddibna aaddo goobteeda shaqada.

“Halkaas ayuu aabbahay ka sii wadaa inuu i baro sida loo dayactiro mootooyinka,” ayuu yiri.

Sanado kaddib waxay baratay sida loo rakibo matoorka, bareegga iyo waxyaabo kale oo badan.

Carruurta aan fasalka isla dhiganno ayaa ii sheega in howshan ay mar uun i caawin doonto

Si ka duwan inta badan carruurta kale ee iskuullada dhigta, iyada waxay haatan khabiir ku tahay dayactirka mootooyinka.

Waxay sheegtay inay ku tilmaamaan inaysan qof caadi ah ahayn isla markaana ay kula taliyaan inay sii barato dayactirka.

“Saaxiibbadeyda fasalka waxay igu yiraahdaan hore u soco … isla markaana ay howshan mar i caawin doonto” ayay tiri.

Waxaan doonayaa inaan barto sida loo dayactiro diyaaradaha

Susanna ayaa mustaqbalka qorsheyneysa inay yeelato dukaan ay ku qabato shaqada dayactirka.

Anataka kujifunza kukarabati ndege
Waxay dooneysaa inay dayactirto diyaaradaha

Balse waxay sheegtay in mid ka mid ah qorshooyinkeeda uu yahay inay dayactirto diyaaradaha.

“Marka aan weynaado waxaan doonayaa inaan barto dayactirka diyaaradaha, gawaarida iyo doomaha,” ayay tiri.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this