Sign in to follow this  
Deeq A.

Carruur si arxan-darro ah loogu dilay Muqdisho iyo Booliska Soomaaliya oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.1.jpg?resize=620%2C330&ssl=1

Labo carruura oo walaalo ah ayaa maanta meydkooda laga helay xaafadda jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Carruurta la dilay oo kala ah wiil iyo gabar da’dooda lagu sheegay 7 jir iyo 5 jir ayaa dilka loo geystay xalay, waxaana dilkaas lagu eedeynayaa in uu ka dambeeyay adeerkood hooyadooda qabay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in ay soo xireen carruurta hooyadood iyo ninka qaba, kuwaas oo hadda lagu hayo xarunta hay’adda dambi-baarista ee CID-da.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in carruurta la daldalay kadibna afka carro looga shubay, wuxuuna intaas ku daray in ay weli wadaan baaritaano la xiriira falkaas.

PUNTLAND POST

The post Carruur si arxan-darro ah loogu dilay Muqdisho iyo Booliska Soomaaliya oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this