Deeq A. Posted December 7, 2021 Qaar ka mid ah isimada Puntland oo ku jiray xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo hay’adda PSF ayaa soo saaray go’aamo lagu xalinayo xiisadda Boosaaso. Isimada ayaa go’aamiyay in ay dhaqan-gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Dyaano, looguna magacaabay Aamiin Cabdillaahi Xaaji Kheyr. Isimadu waxay go’aamiyeen in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF uu mulkiyadooda leeyahay Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano. Sidoo kale isimadu waxay go’aamiyeen in ay dowladda bixiso xuquuq 13 bilood ka maqnayd ciidamada PSF iyo kharashka ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Cabdillaahi Diyaano. Isimada go’aamada soo saaray ayaa kala ah; Boqor Burhaan Boqor Muuse, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad. PUNTLAND POST The post Isimada Puntland oo go’aamo ka soo saaray xiisadda PSF appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites