Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo baaq u diray madaxda dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in aysan ku milmin oo ilaaliyaan madax-bannaanida guddiyada doorashooyinka.

“Waxaan madaxda dowlad goboleedyada u sheegayaa in ay ilaaliyaan madax-bannaanida guddiyada doorashooyinka, oo aysan ku milmin, siyaasadna la gelin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

F164869B-23ED-4C31-ABBF-CFF169642D8A.jpe

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadalkan ka jeediyay shir maanta ka furmay Muqdisho oo lagaga tashanayay taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka.

Shirkan oo ay qeybgaleen bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa inta uu socdo diiradda lagu saarayaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey halka ay marayso doorashada baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in lagu guuleystay dhamaystirka aqalka sare ee baarlamanka, isla markaana la bilaabay doorashada aqalka hoose. Mudane Rooble ayaa xusay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo baaq u diray madaxda dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this