Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo si adag u canaantay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Garoowe shir gaar ah kula yeeshay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka jirta Gobolkaas.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa Shirka ka sheegay in mas’uuliyiinta ka tirsan Puntland ee u dhashay Gobolka Sool ay yihiin dad fadhiid ah oo aan waxba u qaban dadka iyo degaanka ay matalaan, isagoo ku hanjabay in hadda kadib si adag loola xisaabtamayo.

Siciid Deni, ayaa ku canaantay mas’uuliyiinta Reer Sool in aysan waxba kala socon xaaladda ka jirta Gobolka Sool, wuxuuna u sheegay in ay dadkooda wax u qabtaan ama isaga tagaan Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa si weyn u amaanay xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta u dhashay Gobolka Cayn oo sida uu sheegay matalaad dhab ah muujiyay.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin qof mushahar iska qaata, haddana aan waxba u qaban dadka uu matalo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo si adag u canaantay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this