Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhadda TPLF Oo Laga Qabsaday Degaanno Kale Oo Muhiim Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa waxay baahiyeen ciidammada dowladda dhexe ee Itoobiya oo uu hoggaaminayao raysal wasaare Abiy Axmed inay dagaalka guulo ka soo hoyayaan.

Guulahaasi ayay ku sheegeen inay ku qabsadeen magaalooyinka Ajbaar, Tinta iyo Doba.

Dowladda ayaa sheegtay in maamulkii ka arriminayay goobihii TPLF laga qabsaday ay shaqooyinkooda dib u billaabeen.

Dhanka kale warbaahinta afka fallaagada TPLF ku hadasha waxay sheegeen dagaalka ay kula jiraan dowladda Itoobiya inay sii wadayaan tan iyo inta ay xukunka ka tuurayaan raysal wasaare Abiy Axmed.

TPLF waxa kale oo ay sheegtay waxa ay u dagaallamayan inay ahayn oo keliya xuquuqda qowmiyadda Tigreega balse ay u dagallamayan xorriyadda qowmiyadaha Itoobiya oo dhan iyaga oo carrabka ku dhuftay qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Cafarta, Sidaamada, iyo waxa lamid ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this