Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muuse Suudi oo ka hadlay wada-hadal la sheegay inuu la leeyahay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa si adag u beeniyay warar laga faafiyo oo sheegaya in wada-hadal uu u socdo asaga iyo Villa Somalia oo uu hogaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu ku tilmaamay dacaayado waxba kama jiraan ah oo ay ka dambeyso Villa Somalia oo uu sheegay in uusan aqoonsaneyn inay joogan madax sharci ah, maadama uu waqtigooda uu dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

“Yaa la hadlaa, ma darbiyadaa la hadlaa. Madax ma joogto, waqtigoodiina wuu dhacay, berigey fiyoobaayeenba uma tagi jirin maxaa hadda ka jarinaa, wax ka jiro ma lahan warkaas,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

“Dad aan la heshiiyo meesha ma joogaan, hadda oo qof joogin guryaha maan ku wareega. Waxba kama jiraan waxay idaacadaha ay soo adeegsanayaan (Villa Somalia) shaqo aan ku leeyahay majirto.”

Sidoo kale waxa uu dhaliilay aamusnida ay Midowga Musharaxiinta ku wajahayaan muddo kororsiga dadban ee uu weli Villa Somalia ku dhex fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Nin ayaa iska jooga Villa Somalia, hal sano ayuu iska jooga ka hadli maayan, ma iyaga hadhoo raba haddii waqtiga uu ka dhamaado inay sidoo kale iskaga fadhiyaan, mise wey ka cabsanayaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulada dalka ay dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ay gaarsiisay liiska musharaxiinta ay rabaan inay kusoo baxaan doorashada, taasi oo uu sheegay inay luminayso macnihii doorashada iyo hufnaanteeda.


Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Daawo: Muuse Suudi oo ka hadlay wada-hadal la sheegay inuu la leeyahay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this