Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasi Maraykana oo shaaciyey inay fiicnaan lahayed in somaliland lagu daro Shir-madaxeed uu M/weynaha Maraykanku qabanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Diblomaasi Maraykana oo shaaciyey inay fiicnaan lahayed in somaliland lagu daro Shir-madaxeed uu M/weynaha Maraykanku qabanayo

nagy.jpg

 

Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Dalalka Itoobiya iyo Biniin Amb. Timbor Nagy, Ayaa ka hadlay Shir lagaga hadlayo Dimuqraadiyadda oo Madaxweynaha Maraykanku uu bishan sagaalkeeda qabanayo.

Shir-madaxeedkan, ayuu sheegay inay ka qayb-galayaan illaa 111 Waddan, kuwaasi oo ay ku jiraan 17 Waddan oo ka mid ah Afrika, laakiin wuxuu uu jeclaan lahaa in Somaliland lagu daro Dalalka lagu marti-qaaday ee Taiwan ka mid tahay.

Delighted that Taiwan is invited to Prez Biden's Dec 9 Democracy Summit along with 111 nations, including 17 from Africa. In a just world Somaliland – the little nation that can – would also be included. Given "democracy's" awful year – it needs a booster shot.

— Tibor Nagy (@TiborPNagyJr) December 3, 2021

Qoraal uu Ambassador Timbor Nagy ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayuu ku yidhi  “Waxaan ku faraxsanahay in Madaxweyne Biden uu Taiwan ku martiqaado Shir Madaxeedka Dimuqraadiyadda ee dhacaya 9-ka December, iyada oo ay weheliyaan 111 waddan, oo ay ku jiraan 17 ka socda Afrika…”

Timbor Nagy, wuxuu sheegay in Somaliland lagu daro Dalalka Shirkan lagu marti-qaaday, maaddaama oo ay tahay Qaran wax qaban kara “Qarankan yar ee Somaliland waa lagu dari lahaa (Dalalka lagu marti-qaaday Shirka), marka la eego sanadkan ku xun dimuqraadiyadda awgeed…”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this