Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Iyo Hindiya Oo Galay Heshiis Maalgashi Oo Malaayiin Dollar Ku Kacaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Delhi)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar ku jooga dalka Hindiya, ayaa cisbitaalada Deepam Hospitals ee ku yaalla magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu la galay heshiis cisbitaal $100 milyan ku kacaya lagaga dhisayo Somaliland.

“Maxdaxweyne ku xigeenku isagoo sii anba qaadaya safarkiisa shaqo wuxuu heshiis maalgashi la saxeexday mid ka mida cusbitaallada ugu waaweyn dalka Hindiya kuwaas oo dalka ka dhisi doona cusbitaal ku kacaya $100,000,000 million (100 million) oo dollar”.

“Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarreysa cusbitaalka, Wasiirro iyo saddex bangi oo waaweyn oo ku yaalla dalweynaha Hindiya”.

Saylici oo heshiiska ka hadlay sida ay qortay TDnext ayaa sheegay in sannad kasta, ilaa 50,000 oo qof oo reer Somaliland ah ay caafimaad u taga waddamo kala duwan oo ay ka mid tahay Hindiya isagoo sheegay in hadda kadib uu maamuli doono xafiis ganacsi oo Somaliland Hindiya ku yeelan doonto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this