Sign in to follow this  
Deeq A.

Kala Reebista Gaafaadhi Iyo Kaahin Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Noqotay Hal-xidhaale Siyaasaddeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa horyaala kala doorasho adag oo saamayn ku yeelan kara Siyaasaddiisa iyo damaca inuu mar kale isu soo sharaxo Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne Biixi, oo wakhtigan ay saaran yihiin culayso siyaasaddeed, lagana sugayo inuu qaato go’aamo adag oo hoggaamineed, ayaa waxa ka mid ah go’aamada horyaala ee leh saameynta Siyaasaddeed cidda hoggaamin doonta Xisbiga Kulmiye, isaga dabadii.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa laf dhuun gashay ku noqotay, sidii uu u furdaamin lahaa labada Wasiir ee Xukuumaddiisa ka tirsan ee kala ah Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), kuwaas oo labaduba doonayaan in ay noqdaan Guddoomiyaha Kulmiye Guddoomiyaha Imika dib.

Labadan Masuul oo mid ka mid ah yahay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye, halka kalena uu yahay masuul hankiisa sheegay inuu ku war geliyey Madaxweynaha, ayaa u muuqda kuwo loollankoodu yahay mid adag, oo mid walba isu arko inuu xaq u leeyahay in lagu dhiso Guddoomiyaha Xisbiga inuu noqdo.

Xasan Gaafaadhi, oo gacan ka helay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday olole xooggan oo uu ku doonayo inuu ku hanto Guddoomiyaha Kulmiye.

Maxamed Kaahin, ayaa isagana u muuqday masuul dagaallo kala duwan kaga socdeen Xukuumadda guddaheeda, iyada oo Xubno ka mid ahaa Masuuliyiin taladiisa lagu magacaabay intoodii badanayd laga saaray xayndaabka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi oo labadan masuul dhawr jeer isku dayey in ay Salaadiinta deegaannadoodu kala reebaan, ayaanay suuro gelin, iyada oo horena Suldaanka Guud Bariga arrinta uu kala hadlay uu ka cudur daartay.

Si kastaba ha ahaatee go’aanka uu Madaxweynuhu ka qaato damaca labadan Siyaasi, ayaa mid walba saameyn weyn ku yeelan doonaa Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this