Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti uu horkacaayo Wasiirka Arimaha Gudaha S/land oo u baqoolay Gobollada Bariga Somaliland+Ujeedada Safarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxa hadda gaadhay, magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, wefti ballaadhan uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, oo saaka u ambaxay Gobol Sool, gaar ahaana magalaada Yagoori halkaas uu ka furmayo shir nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo shaqaaqooyin iyo utino hore uga dhacday kala tirsanayey.
Shirkan nabadeed waxaa gadh-wadeen ka ah xukuumadda somaliland, iyada oo tacab iyo dedaal badan ku bixisay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, hirgelinta shirkan nabadeed, kaa soo gobolka u horseedi doona nabad iyo barwaaqo.
Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta somaliland Saleban Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Saajin, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horuumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiirka Horuumarinta Jidadka Cabdirisaaq Cataash.
Sidoo kale waxa saakadii hore ka jarmaaday magaalada Hargeysa, wefti ka kooban abwaano iyo shaqaalaha haaydda maxaliga ah ee SONSAF, waxaanay qayb la yihiin shirka dib u heshiisiinta beelaha colaadu dhex martay.
262876528_4699025356821562_2211010681494
258556392_4699025413488223_3845003349748
259971645_4699025540154877_7879985499277
263870944_4699025653488199_5629698930840
262501405_4699025786821519_4752037529684

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this