Deeq A. Posted December 5, 2021 Madaxweynaha waddankaTurkiga ayaa lagu soo waramaya in uu ka badbaaday isku day dil xilli uu ka qeyb galayay isusoo bax dadweyne oo ka dhacayay magaalada Siirit ee koonfurta bari dalkaas. Warbaahinta Anadolu ayaa sheegtay in qarax lagu arkay qeybta hoose ee gaari booliiska loo xilsaaray sugidda amniga goobta uu Recep Tayyip Erdoğan shacabkiisa kula kulmayay. Gaariga qaraxa lagu qabtay ayaa waxaa saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska Turkiga sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Turkiga. Ciidamada Turkiga ayaa bilaabay baaritaano waxaana la xirey askarigii watay gaariga waxyaalaha qarxa lagu soo xirey.Kooxaha baaritaanka ayaa sidoo kale hubiyay kamaradaha amniga ee gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites