Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Cumar Cabdirashiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaanna walaaca laga qabo doorashooyinka socda.

Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa dhowaan dib ugu laabtay Muqdisho kadib sannado oo dalka dibaddiisa ku maqnaa.

Sidoo kale wuxu kulamo la qaatay xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradsan Villa Somalia oo qaarkood murashixiin yihiin.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Cumar Cabdirashiid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this