Sign in to follow this  
Deeq A.

Halka Haweenka Sacuudiga ku bixiyaan lacagta ugu badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Halka Haweenka Sacuudiga ku bixiyaan lacagta ugu badan

سماح هوم
Samah Homy

Samah waxay hor taagan tahay muraayadda … iyadoo aad nafteeda ugu mashquulsan, indhaha ayay kuulaneysaa waxayna isku dayeysaa inaysan waxba ka khaldamin.

Waxaa muraayadda horteeda yaalla baakado ay ku jiraan waxyaabaha la isku qurxiyo oo Samah ay soo iibsato mar walba, si la mid ah sida ay sameeyaan malaayiin haween ah oo daafada dunida ku kala nool kuwaas oo biilkooda bishii ka jara lacag ay ku iibsadaan.

Xaqiiqdii, haween badan ayaa jecel waxyaabaha la isku qurxiyo, balse waxaa jira kuwo aaminsan in lagu qasbay make up-ka sababo la xiriira cadaadis iyo takoor uga imaanaya bulshada.

Inkastoo waxyaabaha la isku qurxiyo laga isticmaalo meelo badan oo dalalka Carabta ah, haddana dalalka Gacanka ayaa liiska hore ku jira kuwa ay haweenkoodu aadka u isticmaalaan make up-ka, waxaana dalalkaas hoggaanka u haya Sacuudiga.

Lacagta guud ahaan ay haweenka Sacuudiga ku bixiyaan waxyaabaha la isku qurxiyo ayaa sanadkii 2015 lagu qiyaasay 500 milyan oo doollarka Mareykanka ah, tiradaas oo laba jibbaarantay isla markaana in ka badan hal bilyan gaartay sanadkii 2018. Dalka Marooko ayaa lagu tilmaamay inuu yahay dalka ugu yar ee aysan haweenku aadka u isticmaalin make uyp-ka.

Inkastoo takoorka iyo cadaadiska ka imaanaya bulshada ay haweenku qaar ku qasbaan isticmaalka make up-ka si ay u qurux badnaadaan, ayaa haddana isticmaalka make up-ku uusan ahayn wax haatan uun billowday ee uu jiray kumannaan sano kahor.

Masaaridii hore ayaa dhuxusha u isticmaali jiray inay indhaha ku kuushaan, waxay sidoo kale sameeyeen budo la isku quxiyo.

Samah Houmi, oo ka soo jeedda Morocco kuna nool Britain, ayaa sheegtay inaysan guriga ka bixi karin iyadoo aan marsan make up, iyado sababta ku sheegtay in dadka dhan laga soo bilaabo ninka madaxda u ah iyo qaraabadeedaba ay u moodayaan inay xanuunsan tahay amaba daallan tahay haddii aysan isticmnaalin.

Samah ayaa aaminsan in waxyaabaha la isku qurxiyi ee rakhiiska ah ay dhibaatooyin badan u geystaan maqaarka qofka, iyadoo ku borrisay haweenka inay iibsadaan kuwa tayada leh, kuwaas oo qiimahoodu aad u sarreeyo.

Waxyaabaha la isku qurxiyo ee uu qof walba isticmaalo

أحمر شفاه
Waxyaabaha la isku qurxiyo waa waxa dakhliga ugu badan laga sameeyo

Maanta, suuqa waxyaabaha la isku qurxiyo waa mid ka mid ah kuwa ugu faa’iidada badan adduunka, iyadoo lagu qiyaasay in sanadkii 2017 ay ka soo xarootay lacag gaareysa 500 oo bilyan oo doollarka Mareykanka, waxaana la filayaa in 800 oo bilyan oo doollar ay gaarto sanadka 2023.

Tiradaan waxaa laga yaabaa in laga badbadiyay, balse runtu waxay tahay in maanta dunidu aysan jirin meel aan laga heli karin waxyaabaha la isku qurxiyo; haddii shirkadaha waaweyn aysan dalalka qaar ka howl gelin, waxaa booskooda buuxiya kuwo soo saara waxyaabo rakhiis ah oo loogu talogalay dadka uu dakhligoodu hooseeyo.

Magaalada Cadan, ee dalka Yemen, Abu Ali Al-Matari ayaa hortaagan albaabka dukaankiisa yar, oo ay qaanadihiisu ka buuxaan waxyaabaha la isku qurxiyo, sida make up-ka, barafuunnada iyo waxyaabo kale.

Mar walba haweeney ayaa dhex joogta dukaanka oo dooneysa inay waxyaabo kala duwan ka iibsato.

Abu Ali ayaa yiri, “Qiimaha ayaa sare u kacay sanadihii la soo dhaafay waxaana is beddelay waxyaabaha haweenka muhiimka u ah.”

Canshuurta laga bixiyo waxyaabaha la isku qurxiyo

متجر مستحضرات تجميل
Dukaanka Abu Ali ee Cadan

Waxaase ay su’aalo badan ka taagan yihiin saameynta waxyaabaha la isku qurxiyo ay u leeyihiin caafimaadka. Qaar ka mid ah khubarrada caafimaadka ayaa sheegaya inaysan xoogganeyn shuruucda lagu xakameynayo waxyaabaha la isku qurxiyo, sidaas darteedna aan aad loo hubin xaaladaha caafimaad ee ka dhalan kara.

Sida laga soo xigtay Dr. David Andrews, oo ah khabiir u dhashay Mareykanka ayaa sheegay in kiimikada ku jirta walxaha la isku qurxiyo ay sababaan cudurro raaga kuwaas oo qofna uusan u maleyneyn in laga dhaxlo waxyaabahaas.

Wuxuu sheegay in xanuunnadaas ay ka mid yihiin wadno xanuunka.

Shirkadaha soo saara waxyaabaha la isku qurxiyo ayaa sidoo kale lagu eedeeyaa inaysan eegin caafimaadka bulshada keliyana ay ka fekeraan faa’iidadooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this