Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo amartay in la xiro dhammaan dugsiyada sare ee dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Sare ee dowladda Itoobiya amray in la xiro dhammaan dugsiyada sare ee ku yaalla dhamamaan ismaamulada iyo caasimada dalkaas.

Dowladda ayaa ku sheegtay sababta in ardaydu ay dadka beeroleyda ah ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada.

Wasiirka waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanayso isniinta soo socota.

Waxaa uu sheegay in dad badan oo ka shaqeyn jiray beeraha iyo soo gurida dalagyada ay ku biireen dagaalka ka dhanka Kooxda TPLF.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Itoobiya oo amartay in la xiro dhammaan dugsiyada sare ee dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this