Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar dad rayid ah ku dilay Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16385577395964854.jpg?resize=720%Saddexda qof ee Muqdisho lagu dilay

Askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ku dilay ilaa saddex qof oo rayid ah.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xalay wadada Dhabka ee Muqdisho ku toogtay Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo ahaa wiil iyo gabar walaalo ah oo saarnaa Mooto Bajaaj.

Sidoo kale askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa galinkii dambe ee maanta oo jamce ahayd degmada Wadajir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magaaci jiray Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud.

Booliiska Soomaaliya ayaa goordambe oo caawa ah sheegay in ay gacanta ku hayaan askartii dilay saddexda qof ee shacabka ah.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ka hadlay dilalka Muqdisho ayaa faray hay’adaha amniga in si deg deg ah caddaalad loo hor geeyo eedaysanayaasha, si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud”.

“Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan farayaa in si deg deg ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan” ayuu qoraal ku yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

PUNTLAND POST

The post Askar dad rayid ah ku dilay Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this