Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka masuula in wershada Sibidhka Brbera Fadhido Muddo 30 sanadood ka badan 

Recommended Posts

Deeq A.   
Yaa ka masuula in wershada Sibidhka Brbera Fadhido Muddo 30 sanadood ka badan 
jml.jpg

 

WARSHADDA SIBIDHKA EE BERBERA (berbera cement agency)
– maxay bilaa camal uhyihiin bulshadeena inta badani?!
– muxuu dakhliga guud ee qaranku uhooseeyaa muddo 30 sanadooda?!
– maxay umaddeenu danyar utahay nolol hoose kunool?!
_ ma kharaad yari baa ina haysata mise maarayn xumo iyo maamul xumo?!
Haddaba sidaydoontaba hanoqotee tani waa tusaale
Warshadda sibidhka ee berbera oo asaaskeeda labilaabay 1972 _1987
Waxay shaqadii uhoraysay ee waxsoosaar bilawday 1987 waxayna maalinkii soo saari jirtay 12kun oo kiish oo sibidha halka ay sanadkii soo saari jirtay 200000 (laba boqol oo kun oo kiish).
Tayada sibidhka warshadani soosaarto ayaa ahaa kalabaad ee aduunka ugu sareeya marka la eego cabirka tayada sibidhka lagu qiyaaso ee loo yaqaano C3S sibidhkeena oo kanoqonaayey 61.5 halka sibidhka ugu tayada sareeyey oo kasoo bixijiray wadanka faransiiska tayadiisu ahayd 63.5.
Waxa gudaha warshada kashaqayn jiray 1200 oo shaqaale ah.
Intaas waxa dheeraa shaqaalaha kale ee waxyaabaha ay warshadu soosaarto kasii shaqeeya sida gaadiidlayda qobolada uqaada sibidhkan.
Waxa aad loodhisay magaalooyinka, dekadaha, biriishyada, madaarada iyo wadooyinka maadaama oo sibidhka oo maadooyinka ugu muhiimsan dhismaha uu aad ujabnaa.
Hadda warshadi way xidhantay muddo 30sano kudhaw, waxa dhisan ama nool kudhawaad 80% warashadda qaybeheeda kala duwan, waxa xumaaday ama la bililiqaystay 20%.
Waxa taagan baahideedi haday noqon lahayd shaqo abuurid, kordhinta dakhiliga qaranka (GDP) iyo kobaca magaalooyinka.
Sannadkii 2107 kii waxaynu soo iibsanay 5105848 kun oo kiish oo sibidha, celcelis ahaan waxa lagu dhoofiyaa ama qiimihiisu yahay halka kiish ee sibidhkaa ee 50kg ah 3.6$ taas oo macneheedu yahay sanaddi 2017kii waxaynu sibidh kusoo iibsanay 1838152 milion oo doolar bal waxaad kudhufataa 30kii sanno ee somaliland jirtay?
Waxa kuusoo baxaysa lacag aad utiro badan iyo fursado waywayn oo aynu luminay.
Waxaan kusoo gabogabayn lahaa su’aal ah
YAA KAMASUULA INAY WARSHADAASI 30SANNO FADHIDO? MA SHACABKA MISE XUKUUMADIHII MUDOOYINKAA INASOO MAYEY?
W/Q. Eng. Jamal saxili

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this