Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda Oo Laba Dhalinyaro Walaalo Ah Ku Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa xalay Isgoyska dabka ee magalada muqdisho ku dilay dad shacab ah.

Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge oo ah laba dhalinyaro walaalo ah ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen Isgooyska dabka kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen.

Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Zakariye iyo Sowdo.

Labada walaalo ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen ka hor dilkooda Isbitaalka Yardimele halkaas oo ay ku soo booqanayen qof uga jiray.

Dilkan weli kama aysan hadlin laamaha ammaanka ee ciidamada dowladda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this