Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Booliska oo shaaciyey sababtii ka dambeysay rasaastii lagu furay Sakariye iyo Sowdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay dilka loo geystay Sakariye Maxamuud Xuseen Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa laba walaalo ah oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo ay garab taagnaayeen ehellada Sakariye iyo Sowdo ayaa sheegay in labada walaalaha ah ay ku dhacday rasaas ciidamo millateri ah oo saarna gaari Cabdi Bille ah ku furanayeen wadada.

Waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdada ay ku baxeen Sakariye iyo Sowdo, isaga oo eheladeeda uga tacsiyadeeyay geerida labada maruuxam.

“Sida ay cadeeyen markhaatiyaal joogay goobta Isgoyska (Dabka) oo jaam ahaa si uu jaamka iskaga qaado rasaas uu furay gaari uu ku buufsana ciidamada xooga dalka, waxaana ku dhintay rasaastii uu riday gaarigaas Wiil iyo Gabadh walaalo ah” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska Soomaaliyeed ay ku daba jiraan baarista kiiskaas tan iyo markii uu xalay dhacay falkaas, sida uu sheegay.

Waxa uu intaas kusii daray in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan hay’adda dambi baarista ee CID-da ay waddo baarista kiiskaas, islamarkaana dhawaan war laga soo saari doono.

Ehelada marxuumiinta ayaa warbaahinta u sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

Sidoo kale waxay saaka shaaciyeen ehelada marxuumiinta in aan la aasi doonin meydka marxuumiinta inta caddaalad looga helayo kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen dhammaan qoyska.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay rasaas si macno darro ah u fureen ay haleesho dad shacab ah, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Daawo: Booliska oo shaaciyey sababtii ka dambeysay rasaastii lagu furay Sakariye iyo Sowdo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this