Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo codsatay 41 bilyan oo caawimaad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in baahida loo qabo gargaar bini’aadanimo ay gaari doonto heerkii ugu sarraysay sanadka soo socda,iyadoo masiibada, isbedelka cimilada iyo colaaduhu ay dad badan ku riixayaan in ay wajahaan xaalad macluul.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA ayaa codsatay lacag dhan $41bn si loo caawiyo 183 milyan oo qof oo ah kuwo u baahan  gargaar naf badbaadin ah.

Martin Griffiths, madaxa OCHA, oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in dhibaatada cimiladu ay marka hore ku dhacaysaa dadka aadka ugu nugul dunida.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA  Sanadkii hore waxay codsatay lacag gaareysa $35bn oo wax loogu qabtay  dadka u baahnaa gargaar bini’aadanimo.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo codsatay 41 bilyan oo caawimaad ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this