Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka ogtahay Murrashaxiinta ka dhacay Saddexda Xisbi ee WADDANI, UCID iyo Kulmiye, ee Madaxweyne Muuse Biixi Xilalka U Magacaabay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilal u magacaabay Murrashaxiin u tartamay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiillada iyo Deegaanka ee dhacay bishii May ee sannadkan.

Magacaabisihii u dambeeyey ee Madaxweyne Biixi sameeyey intii ka dambaysay doorashooyinkaasi, ayaa waxa si weyn uga dhex muuqday Murrashaxiin saddexda Xisbi ka tirsanaa oo u tartamayey Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Xubnaha waxa ka mid ahaa

1- Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka sharaxnaa Xisbiga Waddani
2- Wasiirka Maal gashiga iyo Wershada, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye
3- Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye
4- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, waxa ka sharaxnaa Waddani
5- Wasiir kuxigeenka Amniga, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye
6- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maal gashiga, waxa uu ka sharaxnaa UCID
7-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye.
8- Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye

Wargeyska Saxansaxo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this