Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1638457672387.jpg?resize=720%2C63

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu Qadar ugu maqnaa maalmihii la soo dhafay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socday ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar kaga qayb galay furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Safarka Qadar waxaa madaxweynaha Soomaaliya ku wehelinayay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this